Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Ambassador Samantha Power ayaa baaqaasi ka sheegtay hadal kooban oo ay ka jeedisay Kulan ay Golaha Ammaanka ee QM kaga hadleen Dhismaha Nabadda ee Qaaradda Afrika.
“ Marka saddexaad ee ugu dambaysa, Hoggaamiyayaasha Soomaalida waa inay muujiyaan Rabitaan Siyaasadeed si loo sameeyo Awood Dowladeed oo ballaaran iyo in la horumariyo Hay’addo Dimuqraadi oo shaqaynayo†ayey tiri Ambassador Samantha Power.
Waxay intaasi ku dartay in Nabadda jillicsan ee ka jirta Somalia lagu guuleysan karo hadba tallaabadda siyaasadeed ee Dowladda Federalka ku tallaabsanayso.
Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Ambassador Samantha Power waxay sheegtay inkastoo aan weli lagu guuleysanin Dadaalkaasi in loo baahan yahay inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladiisa dardar geliyaan Tababarista Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Army) iyo dadaalka Dhismaha Hay’addaha Dowladda.
Waxay kaloo sheegtay in Dowladda Federalka Somalia looga baahan yahay inay xoojiyaan Badbaadinta Xuquuqda Aadanaha, oo ay ku jirto inay xushmeeyaan Xorriyadda Hadalka ee Waraabhinta iyo in Ciiddamadda Ammaanka lagula xisaabtamo dembiyada iyo gabood-falka ay galaan.
Dhinaca kale, Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Ambassador Samantha Power waxay ugu baaqday Dowladda Federalka inay qaado Tallaabo lagu ballaarinayo Deegaanadda ay maamusho, waxayna hoosta ka xariiqay inaysan nabad keeni Karin guulaha ay Ciiddamadu gaaraan ilaa Dowladda ay isku ballaariso Deegaanadda gacanteeda ku jira.
©Radio Dalsan