Mudanayaal ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa soo dhaweeyey Sharcigaasi, kuna tilmaamay mid taageero ka geysan kara Hubinta Lacagaha la xawilo inay gaaraan Qoysaska loo diro, oo aysan ku dhicin gacmaha Kooxda Xag-jirayaasha.
Senator Keith Ellison oo ah Mudanaha keliya ee Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo Mudanaayaal kale ayaa hadalkaasi ku sheegay Farriin Bogaadin ah oo ay u soo direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu bishan Feberaayo 21-dii saxiixay Sharciga cusub ee La-dagaalanka Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisadda.
Warqadda lagu bogaadinayo Madaxweynaha waxaa si wadajir ah u soo diray Keith Ellison oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto Gobalka Minesotta, Tom Emmar oo ka tirsan Kongareeska, lagana soo doorto magaalladad Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta iyo 3 Mudane oo ka tirsan Kongareeska, kana soo jeeda Xisbiga Dimquraadiga.
Raggaasi ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxay sheegeen inuu Sharciga cusub ee La-dagaalanka Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisadda ee uu Madaxweynaha Somalia saxiixay yahay Tallaabo muhiim ah si loo xaqiijiyo Nidaamka Maaliyadda ee dalka Somalia.
“Sharcigan waxa uu hubaal ka dhigaa in Lacagahaasi loo adeegsanayo dhinacyada cuntada, waxbarashadda iyo ganacsiga yaryar si toos ah u gaari doonaan Qoysaska Soomaalida ee loo soo diray†ayuu yiri Keith Ellison, o ointaasu ku daray inay Lacagahaasi ku dhici doonin gacmaha Kooxaha Xag-jirka, sida Alshabaab iyo Daacish, waa sida uu hadalka u yiri.
Sharci-yaqaanadda Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka waxay muddo dheer raadinayeen Qorshe u oggolaanayo Xawaaladaha inay si iwataan Hawlaha ay Lacagaha ugu dirayaan Somalia, kadib, markii ay Bangiyadda Maraykanka joojiyeen inay gacan ka siiyaan Nidaamka Lacag-dirista ee Somalia.
Dadka Soomaalida ku nool Maraykanka waxay lacag soo diri karaan haddii uu Bangi Maraykan u oggolaado inuu Lacagahaasi u xawilo, balse Banki kasta waxa uu ka baqanayaa in lagu soo rogo Ganaax, sida ku cad Sharciyadda Federalka ee la-dagaalanka Maalgelinta Kooxaha Argagixisadda.
Sida ay sheegtay Hay’adda Samafalka ee Oxfam International, Lacagaha Xawaaladda uu 45% kaalin kaga jiro Dhaqdhaqaaqa Dhaqaalaha Somalia.