Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Abaalmarinta Caddaaladda (the Rewards for Justice) ayaa lagu sheegay inay Komaandooska Maraykanka ka qeyb galeen Hawlgal ka dhacay Tuulladda Daarusalaam ee Gobalka Sh/hoose.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaasi la doonayey in lagu soo qabto Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Alshabaab, C/raxmaan Maxamed Warsame oo lagu naanayso Mahad Karatee.
Maraykanka waxay horey u sheegeen inay abaal-marin Lacageed dhan 5 million oo Dollar ku bixinayaan ciddii keenta Warbixin horseedi karta in la soo xiro Mahad Karate.
Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa kaloo uu qoray  inuu Mahad Karate ku lug lahaa Weerarkii Jaamacadda Garissa lagu qaaday bishi iApril 2-dii ee sannadkii 22015-kii, oo ay ku geeriyoodeen 150-qof, waa sida ay hadalka u dhigeen.
©Radio Dalsan