Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon ayaa lagu sheegay in duqeyntii bishii September 28-dii ka dhacday duleedka Gaalkacyo lagu dilay Ciiddan Maleeshiyo Deegaameed ee aysan Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab.
Qoraal qabyo ah oo ay Pentagon-ka soo saareen oo ay heshay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa lagu xusay in Suqeyntaasi lagu dilay 10Dagaalyahan, halka 3 kalena lagu dhaawacay.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inaysan dad rayid ah waxyeelo ka soo gaarin Duqeyntaasi.
Qoraal kale oo qabyo ah oo xilligaas ka soo  baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ee Afrika (The US millitary’s Africa Command)  waxaa lagu muujiyey in Hawlgalka Duqeynta la qaaday, kadib, markii ay Saraakiisha Ciiddanka PSF ee Puntland codsadeen in Taageero dhinaca Cirka laga siiyo Hawlgal ay ku sheegeen inay kula dagaalamayaan xubno ka tirsan Xarakadda Alshabaab.
Dhinaca kale, Saraakiisha Maamulka Galmudug waxay Hal maalin kadib duqeyntii ay Maraykanka ka geysteen duleedka Gaalkacyo,waxay ku eedeeyeen Maamulka Puntland ee ay xifiltamaan inay Warbixin qaldan siiyeen Maraykanka, taasi oo keentay in duqeyn lagu dilo Askar ka tirsan Maamulka Galmudug.
Afhayeenka Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda Milliteri, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa isagana Weerarkaasi kadib u sheegay Wakaalladda REUTERS inay wax Dagaalyahanno ka joogin Deegaanka ay Maraykanka duqeeyeen.
Sidoo kale, Dowladda Federalka waxay duqeyntii Gaalkacyo kadib ka codsadeen Dowladda Maraykanka inay faahfaahin ka bixiyaan Duqeyntaasi lagu waxyeeleeyey Ciiddan ka tirsan Maamul-gobaleedka Galmudug.
©Radio Dalsan