Tobaneeyo Diplomaasiyiin sarsare oo Maraykan ah iyo Madaxda Hay’addaha Samafalka Caalamka ayaa waxay gaashaanka ku dhufteen Baaq ay Dowladda Kenya uga  codsatay QM in Xarakadda Alshabaab lagu daro Liiska waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen in ka badan 16 Diplomaasiyiin Maraykan oo Hawlgab ah waxay ku sheegeen inuu Codsiga Kenya khatar ku yahay dadaalka Hawlaha Samafalka ee ka socda gudaha Somalia.
Kooxda Diplomaasiyiinta ee ka hor yimid Baaqa Kenya waxaa ka mid ah Safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Kenya, Mrak Bellamy,Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda,Thomas R Pickering iyo Maareeyihii Hay’adda Mucaawanadda Maraykanka ee USAID,J. Brian Atwood.
Xubnahaasi waxay sheegeen in Codsiga Kenya uu jebin karo Xiriirka Wada-shaqeynta ee haatan, iyadoo Shaqaalaha Hay’addaha Samafalka loo oggolaaday inay hawlahooda ka fulioyaan Goballadda ay Alshabaab gacanta ku hayaan.
Kooxda Diplomaasiyiinta Maraykanka waxay kalo osheegeen inay waajib tahay inay furnaadaan dhamaan wadiiqooyinka ku aadan Gargaarka Samafalka ee Somalia.
Qoraal uu Maareeyihii Hay’adda Mucaawanadda Maraykanka ee USAID, J. Brian Atwood  u diray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mayk Bombeeyo, isla markaana nuqulo loo gubiyey oo Madaxda Guddiyadda Aqalka Senedka ee Maraykanka ayaa waxaa lagu muujiyey inuu Codsiga Kenya khatar gelin karto dadaalka Taageeradda Samafalka iyo nolosha boqolaal kun oo qof oo ku tiirsan Gargaarka Caalamiga.
Maareeyihii Hay’adda Mucaawanadda Maraykanka ee USAID waxa uu ku booriyey Dowladda Maraykanka inay gaashaanka ku hdufteen Codsiga Kenya u gudbisay QM ee ka dhanka ah Alshabaab.
Toddobaadkii la soo dhaafay, dowladda Kenya waxay sheegtay inay markii 2-aad Codsi toos ah u dirayaan xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, o oay kaga dalbanayaan inay Alshabaab ku daraan Liiska waxa loogu yeero Argagixisadda, waa sida ay Kenya sheegatay.
Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa waxa uu codsiga Dowladda Kenya jeediyey mar uu Saraakiil ka socotay Dowladda Imaaraadka Carabta uu isbuucii hore kula kulmay magaalladda Nairobi.
 Waxa kale oo uu Dowladda Imaaraadka ka codsaday inay Kenya ku taageeraan Codsigooda QM iyo La-dagaalanka Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa waxay la daalla-dhacaysaa Weeraro joogto ah oo ay Alshabaab u geystaan gudaha dalkaasi iyo Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ku dhow xuduudka labada dal.