Warbaahinta Dowladda Raashiya ayaa maanta sheegtay inay Maraykanka qorsheynayaan inay Diyaaradaha B 61 geeyaan Saldhigyadda Isbahaysiga NATO ku leeyihiin Qaaradda Europe oo ay Turkiga ka mid tahay.
Wakaalladda Wararka Dowladda Raashiya ee RIA waxay sheegtay inay Dowladda Maraykanka sii  wadaan inay maalgeliyaan Hubka sida xooggan wax u gumaada, iyadoo la filayo in Saldhigyadda NATO ee ku yaalla Turkiga, Jarmalka iyo Talyaaniga la geyn doono Diyaaradaha B61-12 LEP ee xambaara Nukliyeerka marka la gaaro sannadka 2020-ka.
Diyaaradaha the B61-12 Â waxaa dhawaan lagu tijaabiyey Saldhig ku yaalla Gobalka Nevada ee dalka Maraykanka, waxaana la filayaa in ku-dhawaad 50 ka mid ah Diyaaradahaasi la geyn doono Saldhig ku yaalla Turkiga.