Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley aya hadalkaasi ka sheegtay Kulan Degdeg ah oo ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen arrimaha dalk Syria, waxayna xustay inay  qaadi doonaan weeraro kale haddii ay lama huraan noqoto.
Hadlkeeda ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Maraykanka habeen hore 59 Gantaal ku duqeeyeen Saldhigga Ciiddanka Cirka Syria ee  Hayraat, kaasi oo looga shaki qabo inay ka duuleen Diyaaradihii Hubka Kiimikadda ku duqeeyey Degmadda Khaan Shiikhuun ee Gobalka Idlib.
Maraykanka waxay sheegeen in 58 ka mid ah 69-kii Gantaal ee lagu duqeeyey Syria lala helay goobihii loogu talgalay, balse Wasaaradda Difaaca ee dalka Raashiya ayaa hoos u dhigtay Khasaaraha, iyadoo sheegtay in 23 Gantaal oo keliya lala helay bartilmaameedkooda.
©Radio Dalsan