Afhayeenada Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Ned Price waxay sheegtay inay tallaabo wanaagsan they Xabbad-joojinta ay Dowladda Ethiopia ku dhawaaqday, isla markaana ay wax ka bedeli karto Xaalladda dhulka ee dagaalka Gobalka Tigraygaj.
Waxajy intaasi ku dartay inay si dhow ula socon doonaan Horumarada ku soo kordho arrintaasi, iyadoo ugu baaqday dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya Ethiopia inay sida ugu dhaqsaha ah uga heshiiyaan Xabbad-joojinta, dib loo soo celiyo Deganaanshaha Gobalka Tigrayga iyo in Samafalka la gaarsiiyo dadka u baahan.
Afhayeenada waxay ku boorisay Dowladda Federalka Ethiopia inay sida ugu dhaqsaha badan dib loo soo celiyo Adeega Isgaarsiinta ee Gobalka Tigrayga, Xorriyada Dhaqdhaqaaqa iyo in la damaanad qaado Badqabka Ammaanka ee Shaqaalaha Hawlaha Samafalka ee Gobalka Tigrayga.
Dhinaca kale, Afhayeenadda waxay xustay inuu Maamulka Madaxweyne Biden ugu baaqay inay Eritrea sida ugu dhaqsaha badan Ciiddankooda ugala baxaan xuduudka Ethiopia, taasi oo muhiim u ah dhowrista Xabbad-joojinta Tigrayga.