Taliska ciidamada Maraykanaka ee qaaradda Africa ee Africom ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada dhexe kaasoo ay sheegeen in uu khasaaro kasoo gaaray Alshababa.
War-saxaafadeedka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee Africom ayaa looga hadlay duqeyntaasoo ka dhacday deegaan u dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Africom ayaa sheegtay Ciidanka Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya in 19/2/2020 oo shalay ku beegneed ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Wadajir oo u dhow degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe kuna dileen dagaalmayaal ka tirsan Alshabaab.
Qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada Markaykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu bur-buriyay Saldhigyo ay lahaayeen waxaana ay meesha ka saareen in uu khasaaro kasoo gaaray dad Shacab ah.