Hadal ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka 6 jeer duqeeyeen Xero ay Kooxda Daacish ku lahaayeen Lama-degaanlka Libya, halkaasi oo lagu dilay 17-dagaalyahan, laguna burburiyey 3 gaadiidka Teknikada ah.
Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday Xeradaasi oo 150-KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Sirta, waana Xero loo adeegsado inay Dagaalamayaasha Daacish ka soo galaan, kana baxaan dalka Libya
Waa duqeyntii ugu horreysay ee ay Milliteriga Maraykanka ka geystaan Libya, tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump la wareegay Talada bishii Janaayo ee sannadkan.