100 Naxash oo ay ku jiraan haraagga maydadkaasi ayaa la filyaa in berrito laga qado Waqooyiga Kuurya, si loogu celiyo dalka Maraykanka.
Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa sheegtay inay ilo Diplomaasi u xaqiijiyen inay Dowladda Waqooyiga Kuurya oggolaatay in sanaadiiqda maydadka Askartii Maraykanka dib loogu celiyo Maraykanka.
Diyaarad xamuul oo ay milliteriga Maraykanka leeyihiin ayaa la filayaa inay ka degto Saldhig Milliteri oo ku yaalla magaalladda WOTISON ee W/bari ee dalka Waqooyiga Kuurya, si ay u soo qaadaan 100-ka Naxash ee lagu soo riday maydadkaasi.
Dib-u-celinta maydadka Askartii Maraykanka ee lagu dilay Dagaalkii Kuurya ee sannadihii 1950-kii ilaa 1953-kii ayaa waxa uu ka mid ahaa Heshiiskii ay Madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un Shirkii ay dalka Singapore ku yeesheen bishii June 12=dii ee sannadkan.
Â