Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Pat Shanahan ayaa hadalkaasi sheegay mar uu shalay Ra’isul-wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay Xarunta Dhexe ee Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon.
Waxa uu mar kale xoojiyey Taageeradda ay Dowladda Maraykanka ka siinayso DFS sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u yiri,.
War-saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay Maraykanka kala shaqeyn doonaan DFS Go’aanadda Adag oo ku aadan  Ammaanka Qaranka ee khuseeya Heshiiskii bishii May lagu gaaray Shirkii Arrimaha Somalia ee lagu qabtay magaalladda London.
War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay inay Labada Hoggamiye ka wada xaajoodeen dadaalka ku aasan sidii looga hortegi lahaa inaysan Somalia hoy ka dhiganin waxa ay Reer Galebedka ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda, waa sida warka loo dhigay.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Kheyre iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Pat Shanahan waxay kaloo isku raaceen inay muhiim tahay in Hawlgalka AMISOM sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Kooxaha ku kacsan DFS iyo in la sii wado dadaalka Siyaasadda si Somalia loogu soo dabaalo Deganaansho Buuxda.