War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (US Africa Command) ee AFRICOM aya lagu beeniyey inay iyagu ka dambeeyeen Duqeyntii bishan 14-dii ka dhcday qeybo k mid ah Gobalka Gedo, taasi oo ay Warbaahinta Caalamka shaaciyeen in lala beegsady Fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde.
AFRICOM waxay tilmaameen inaysan ku lug lahayn wax duqeymo caynkaasi ah o oka dhacay Deegaanadaasi, isla markaana Hawlgalkii Duqeynta ee ay Maraykanka ka fuliyeen Somalia ahaa weerar dhacay bishii Janaayo ee sannadkan 2017-ka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu bishii hore saxiixay qorshe lagu kordhiyey Hawlgalladda Duqeynta Cirka iyo Madaafiicda ee laga fuliyo gudaha Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.
©Radio Dalsan