Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxa uu maanta qoray inay Maraykanka joojin doonaan Taageeradda ay siiyaan Milliteriga Kenya ee ka hawlgala gudaha Somalia, haddii ay Saraakiisha Maraykanka ku baraarugaan Hawlaha Ciiddanka Kenya kaga macaashaan Sonkorta Kontorobaan ay ka soo daabulaan gudaha Somalia.
Wargeyska waxa uu qoray in Kaalmadda loo baahan yahay in haatan la jaro, ugu yaraan ilaa uu ka dhamaanayo Ganacsigaasi kulul ee ay Askarta Kenya, iyadoo Kalamadaasi noqotay mid lagu khasaaray.
Wargeyka Pittsburgh Post-Gazette waxa kaloo uu tilmaamay in Dhaqanka Dowladda Kenya kula ganacsadaan Alshabaab inay taasi tahay Mas’uuliyad-darro, iyadoo  guud ahaan xaalladda Musuqa ku hareeraysan tahay Dowladda Kenya.
Dowladda Maraykanka waxay Milliteriga Kenya siiyeen Kalamo Milliteri oo dhan 141-million oo Dollar muddadii u dhexeysay sannadihii 2010-kii ilaa 2004-tii ee Miisaaniyadda Hawlgalladda Somalia.
Waxay kaloo Milliteriga Maraykanka siiyeen sannadkii hore lacag dhan 38 million oo Dollar, iyadoo bishii May ee sannadkan 2015-ka la sheegay in Kalamadda sannadkan la gaarsiin 100-million oo Dollar.
Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu qoray in Dib-u-eegista Maraykanka ee lagu joojinayo Kalamadda Milliteriga Kenya lagu siiyo Hawlgalka Somalia inay timid, kadib, markii Warbixin cusub oo dhaaan la soo saaray ay Kashiftay Hawsha Qarsoon ee ay Ciiddanka Kenya ku hoos-wataan Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM.
Warbixinta Suxufiyiinta Caddaalad-doonka ee Journalists for Justice ee uu fadhigoodu dhexe ku yaallo magaalladda Nairobi, waxaa lagu sheegay inay Ciiddanka Xiriir Macaash-wadaag la lahaayeen Alshabaab ilaa sannadkii 2011-kii, oo ay qeybsadaan Faa’idada laga helo Ganacsiga Sonkorta iyo Dhuxusha.
Shixnad Sonkor oo lagu qiimeeyey 400-million oo Dolalar ayaa waxay sannadkiiba laga soo dejiyaa Dekedda Kismaayo, waxaana Sonkortaasi si Kontorobaan ah loogu gudbiyaa gudaha Kenya.
Sidoo kale, Shixnad Dhuxul lagu qiimeeyey 100 million in laga helo sannadkiiba ayey Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya wada qeybsadaan, sida lagu xusay Warbixinta Kooxda Journalists for Justice.
© Radio Dalsan