In ka badan 3 sanno, Dowladaha xubnaha ka ah EU-da waxay oggolaadeen Kalluumeysiga sharci-darradda ee ay ka wadaan meelaha ka baxsan Xeebaha Qaaradda Afrika.
Hay’adda OCEANA oo ah Ururka ugu weyn ee Ilaalinta Badweynta ayaa soo saartay Warbixin cusub oo lagu muujiyey Dowladaha ku lugta leh Kalluumeysiag sharci-darradda uga socda Xeebaha Afrika, gaar ahaan Somalia.
Warbixinta waxay shaacisay in Dowladaha Talyaaniga, Portuqal iyo Spain ku xad-gudbeen Sharciyadda Kalluumeysiga ee u dhexeeya dalalka Europe, isla markaana ay Maraakiibtooda ka jilaabtaan dalalka Gambia iyo Ekwatooriyal Gini.
Hay’adda OCEANA oo isticmaasha Qalabka sida Online-ka wax loogu ilaaleeyo ayaa diiwaan gelisay in 19 Maraakiib calanka EU-da leh ay ku-dhawaad 32,000 oo saacadooda ka kalluumeysteen Badda Afrika muddaii u dhexeysay bishii April ee sannadkii 2012-kii ilaa bishii August ee sannadkii 2015-kii.
Dhinaca kale, Warbixinta ayaa sheegtay inay Badda Somalia ku soo laabateen Maraakiibta EU-da ee sida sharci-darradda ah ugu kalluumeysta, kadib, markii ay hoos u dhaceen falalkii Burcad-baddeed ee ka dhici jirey Badda Somalia