Facebook oo ka mid ah baraha bulshada waxa uu qeyb ka noqday nolosha aadanaha.
Dad ayaa kugu soo darsanaya Facebook, kuwa ayaa ku soodaba-galaya, kuwa xanibaad ayey muteystaan, kuwa iskood ayey         uga baxaan saaxiibtinimada bugga ah, kuwa ayaa iska barta, kuwa ayaa iska shukaankada, kuwa ayaa iska guursada, kuwa ayaa aqoon kala kororsada, kuwa ayaa badownima la soo baxa, kuwaa aqoon daran kuwo ayaa qabyaaladda iyo naceybka ku faafiya, kuwa ayaa sawiro qaawan isku soo bandhiga, kuwaa yaab aroor been ah iyo catow la soo baxa si ay caan u noqdaan !
Facebook waxaa lagu sheegaa dowladaan saldhig laheyn oo dadka adeegsada ay u badan yihiin kuwa u qabatimay sida balwada oo kale, kuwo qeybna ka noqday howl maalmeedkooda shaqo.
Facebook waxa uu lumiyaa waqti xadkabax ah, waxa uu kala dareeriyaa laba is jecleyd, waxa uu colaad ka dhex huriyaa qoysas, qabiillo, dowlado iyo dad nabad kuwada noolaa !
Facebook waxaa lagu sheegaa rug madadaalo, maad iyo qosol leh, balse kulansada dad la hiraan-hiray hadallo laabtoodu buuxiyay ha noqdeen kuwa ehel u ah aqoon oo maskaxdooda tuujiya, kana soo saara murti, kuwa ku bandhiga aragtiyadooda siyaasadeed, kuwa olole doorasho kufushada, kuwa ganacsigooda ku buunbuuniya iyo kuwa kale oo dhaan-raaciyo dhowaan-gal ah oo dhaqankoodu yahay inay akhristaan qoraallada dadka, xatooyana kula dhaqaaqaan, iyaga oo isku sheegaya inay yihiin kuwa wax alifa oo af iyo maskax-maal ah, waxaase jira kuwa kale oo jooge-maqan ah ! dhug iyo dhaayo aanlaheyn!,
Waxaa dhiba akhriska, waxa ay ku mashquulaan daawashada heesaha iyo inayku soo galaan bartooda Facebook “Live” waa dad kalaujeeddo ah, ninba dhan u badi !
Nolosha dunida waa mid ka buuxda kala duwanaansho.
Dhammaan way kuu dhow yihiin.
Dhammaan way kaa fog yihiin.
Qof waliba wuu ku yaqaanaa.
Adiguna qofna ka garanmaysid !
Kalama aqoonsan karid lab iyodhedig waxa ay yihiin dadka aad aragtid sawiradooda, kuwa magac bad badalashada badaniyokuwa muuqooda qariyay.
Kalama garan kartid kuwa doorbidid “Like” iyo faallo bixin “comment” ku deeqawaxa aad soo bandhigto, ha u qaadan dadkaasi in jaceyl, qabiil iyo tolnimo kaala dhexeyso ee ogsoonow waxa ay la dhaceen aragtidaada ha noqoto mid toosan ama mid qalafsan.
Facebook waa tuullo ay ku kulmaan kuwa waalan, kuwa caqli leh iyo kuwa dib u socod ah.
Facebook waxa uu fursad kuu siinayaa inaad wax akhrisatid, daawatid, dhageysatid iyo qortid. Waxa lagu soo bandhigo intabadan lama rumeysan karo jiritaankooda, waa goob u furan qof waliba oo guux uu ku jiro si uu ugu hor hunqaaco dad kala aqoon iyo dhalasho duwan.
Facebook micno ahaan Af Soomaali waa Fool buug/ Weji-buug, wax kale ma ahan waa kan soo saari kara shakhsiyadaada, dabcigaaga iyo dad la dhaqankaaga.
F.G: Maqaalka waxa u Aragti ahaan gaar u yahay qofka ku saxiixan, mana ah Qoraal ka turjumaya Argtida Radio Dalsan
W.Q. Ali Abdi Ali Hoshow
Twitter: @AliHoshow
Email: [email protected]