Hoggaamiyaha Kooxdaasi, Maxamed Cali Al-xuuti ayaa soo saaray Qoraal uu ku sheegay inay waqti xadidan joojinayaan Duqeymaha lala beegsado Maraakiibta laga leeyahay dalalka Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Maleshiyadaasi.
Hoggaamiyahaasi waxa uu sheegay in Go’aankaasi looga dan leeyahay in lagu taageero Dadaalka Siyaasadeed ee lagu xalinayo Colaadda Yemen, balse ma sheegin inay si dhaqso leh u joojin doonaan Duqeymahaasi iyo xilliga uu ku ek yahay Go’aankaasi.
Hadalka Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa soo baxay dhowr maalmood kadib, markii ay Sacuudiga joojiyeen Maraakiibta wada Shidaalka ee ka gudba Badda Cas, markii ay Xuutiyiinta waxyeello u geysteen Labo Markab Booyadle oo laga lahaa Sacuudiga.