Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, xili weli uu muran ka taagan yahay Doorashada Soomaaliya.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay inay muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada bishii November ee sandkaan.
Isaga oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka ayuu Mahdi ugu baaqay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada inay fuliyaan heshiiskii la gaaray, si Doorashada aysan dhib u dhac ugu imaan.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale ka hadlay Guddiyada doorashada ee la magacaabay, isla markaana xiligaan uu ka taagan yahay muran xoogan, ayna kasoo horjeedan Guddiyadaas Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.
Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed inay diyaar u yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan Guddiyada doorashada uu ka jiro muranka ee la diiday, laguna tilmaamay inay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan hay’adda NISA, si loo xaliyo tabashada.
Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa horey uga soo horjeestay Guddigaas iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shuruud adeg ku xiray soo magacaabista Guddiyada laga sugayo ee ugu metelaya Guddiyada Doorashooyinka ee magacaaban.