Xilli Dhawr jeer oo shalay u dambeysay uu dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya uu ka dhacay gudaha degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa dadka ku nool degmadaasi ay ka cabanayaan dhib ay ku qabaan dagaalada kusoo noq-noqday degmadaasi.
Mid Ka Mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in dhibka ugu weyn ee dagaalka dhaxmara ciidanka dowladda ay qabaan shacabka degmadaasi,waxaana uu ku baaqay in maamulka degmada iyo kan Hir-shabeelle ay wax ka qabtaan dagaalada halkaa ka dhacaaya.
Masuuliyiinta Maamulka degmada Mahaddaay oo aan la xariirnay kama aysan hadlin dagaalkii shalay ka dhacaay degmadaasi iyo cabashada Shacabka degmadaasi ay qabaan.
Waxaana saaka dagan goobihii ciidamada ay ku wada dagaalameen iyada oo ay dadka deegaanka ay qabaa cabsi ku aadan in markale dagaal uu ka dhex qarxo ciidamadaas.
Halkaan Ka Dhageeso Codka.