Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaaa ka hadlay banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho.
Xildhibaan Mahad Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in shacab si nabad ah u banaanbaxaya aysan mudneyn in loogu jawaabo rasaas xoogan oo laga riday qoryo waaweyn, isagoo kulul u eedeyn u jeediyay Madaxweynaha.
Waxaa uu sheegay Xildhibaan Mahad in falkii saakay lagu rasaaseeyay dadkii banaanbaxa dhigayay ay ka tarjumayso in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad siyaasadeed,
“Shacab sacabooley ah oo si nabad ah u banaanbaxaya in loogu jawaabo Dabamiishaar (BKM), Dhashiike iyo Baasuuke (RPG) waxay ka tarjumaysaa in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad iyo xodxodasho siyaasadeed, una jihaystay in uu wax ku goobo boob, bililiqo iyo dhiig la daadiyo!†ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Ugu dambeyn Xildhibaan Mahad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay rasaastii ay fureen Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa, halka kuwii dhaawacay uu Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo.
“Waxaan u tacsiyeynayaa shacabka aan waxaba galabsan ee maleeshiyaadka Farmaajo ku soo aruuriyay Muqdisho maanta xasuuqeen. Intii dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Aamin†ayuu sii raaciyey hadlkiisa Xildhibaan Mahad Salaad.
Banaanbaxyo rabshado watay ayaa saakay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana rasaas ay fureen Ciidanka Booliska ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.