Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay shaacisay magaca Askarigii Maraykanka ee dhawaan lagu dilay toogasho ka dhacday Afganistan.
Askarigaasi oo la oran jirey  Dable Joseph Maciel waxaa maalintii Sabtida lagu toogtay Degmadda Tarin Kowt  oo ka tirsan Gobalka Uruzgan ee dalka Afganistan,
Qoraalka ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka waxaa lagu sheegay in Askari ka tirsan kuwa Dowladda Afganistan ka dambeeyey Toogashada Askariga Maraykanka oo u geeriyodoay dhaawacii soo gaaray.
Waaxda Difaaca Maraykanka waxay kaloo sheegtay inay baaritaan ku hayaan qaabka uu u dhacay dilkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, waa Askarigii 3-aad oo Maraykan ah oo sannadkan lagu dilo gudaha dalka Afganistan.