Dowladda Iiraan waxay maanta amar  ku bixisay in dadka laga so odaad-gureeyo 6 Degmo oo ku yaalla Gobalka Khusestan ee K/bari ee dalkaasi oo daadadku go’doomiyeen.
Guddoomiyaha Gobalkaasi, Qulamareza Sharayati oo ka hadlay Telefishinak Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay inay Kooxaha Gurmadka u daad-gureynayaan dadka goobo ay ku badbaadaan, o oay ku jiraan 3 Xero Milliteri.
Amarka Daad-gureyntan ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo inay Roobab mahiigaan ka da’aan oo daadad wata.
Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu bilaabay in laga cabsi jabo inay karaarka goostaan Biyo-xireenadda oo buux dhaafay, laguna hawlan yahay sidii loo yarayn lahaa biyaha ku jira kaydadka biyo-xireenaddaasi.
Dwoladda Iiraan waxay sheegtay in dad lagu qiyaasay ugu yaraan 70 qof ku geeriyoodeen roobabka weli ka da’ayo guud ahaan dalkaasi.