Ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in iminka heegan buuxa la geliyaay kadib markii ay soo gaartay Cabsi ku aadan in ay suurtogal tahay in Al-Shabaab ay weeraro ka geestaan Magaalooyinka dalkaas.
Dhowr magaalo oo ka mid ah dalka Kenya ayaa Bandow lagu soo rogay,waxana ka mid ah Gaarissa, Lamu iyo tana river,iyadoo la arkayo Ciidamada Kenya oo meel walba taagan.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in Bandowgaan uu socon doono ilaa laga xaqiijinayo amniga Guud ee Magaalooyinka dalka Kenya.
Shalay aya Warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in Magaalada Lamu lagu gowracay ilaa Sagaal ruux kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.