Waa hubanti marka aad akhrisato Qiimeyntan inaad wax badan ka ogaan karto hadba qaabka ay yihiin Waddooyinka ku yaalla magaalladda aad ku nooshahay iyo kuwa magaallooyinka kale.
Shirkadda kfzteile24 ee dalka Jarmalka ayaa samaysay Cilmi-baaris ay ku qiimeysay 100 magaallo oo la sheego inay ku yaallaan Waddooyinka ugu casriyeysan Caalamka, isla markaana sida fudud loogu kaxayn karo Gaadiidka.
Qiimaynta Shaxda Waddooyinka ugu wanaagsan waxaa 10-ka kaalin kala galay magaallooyinka soo socda:-
1-   Dusseldouf     (Jarmalka)
2-   Dubai             (Imaaraadka Carabta)
3-   Zurich            (Switzerland)
4-   Tokyo            (Japan)
5-   Basel              (Switzerland)
6-   Singapore       (Singapore)
7-   Dortmund      (Jarmalka)
8-   Vienna            (Austria)
9-   Munich           (Jarmalka)
10-                      Calgary    (Canada)
Dhinaca kale, Magaallooyinka la sheegay inaysan lahayn Waddooyin ay Gaadiidka si fudud ku mari karaan waxaa ugu horreeya:
1-   Kolkata      (Hindiya)
2-   Karachi      (Pakistan)
3-   Lagos         (Nigeria)
Si kastaba ha ahaatee, Qiimeynta waxaa kaloo bud-dhig looga dhigay Celcelis ahaan Cimriga Gaariga, Xulashadda Gaadiidka Dadweynaha. Celceliska Kharajka goobaha gaadiidka la dhigto, qiimaha shidaalka, celceliska xawaaraha, heerka gawaarida ku sii daayaan qiiqa ee wasaqowga hawada iyo Tayada Waddooyinka  .