Madixii hore ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda iyo Xuduudaha Kenya ee (Independent Electoral and Boundaries Commission), Isaaq Xasan ayaa shalay soo gaaray magaalladda Muqdisho, si uu La-taliye hoggaamin ugu noqdo  Guddiga Doorashadda Dadban ee Somalia.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu Safar dibedda uga soo baxo Kenya, tan iyo markii uu xilka Madixii hore ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda iyo Xuduudaha Kenya ee (IEBC) ku wareejiyey Wafula Chebukati bishii  January 20-dii ee sannadkan.
Waxa kale oo uu Isaaq Aadan ku qoray Facebook-iisa in La-talinta uu kaga hawl galayo Somalia tahay sidii loo horumarin lahaa Qorshaha Istaraatijiyadda iyo Hawlgalladda kale.
Dhinaca kale, Madixii hore ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda iyo Xuduudaha Kenya ee (Independent Electoral and Boundaries Commission), Isaaq Xasan waxa isaga iyo xubnaha kale ee Guddigaasi lagu eedeeyeey Musuq iyo inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii ay ugu guuleeysan lahaayeen Doorashadda Guud ee dalkaasi ka dhici doonta bisha August 8-da ee sannadkan.
Eedeyntaasi ayaa sababtay inay isaga iyo Kooxdiisa xilka iska casilaan bishii Octobeer ee sannadkii hore, waxayna is-casilaadooda u muuqataa guul ay gaareen Isbahaysiga CORD.
©Radio Dalsan