Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii bihii lasoo dhaafay uu safaro kala duwan ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Sheekh Shariif kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, Xildhibaano iyo xubno kale, waxaana haatan socota Munaasabad lagu soo dhaweynayo.
Sheekh Shariif ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa, isagoo halkaas kulan kula soo qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka wada hadlay Arrimo kala duwan.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif ayaa xubno sar sare oo ka tirsan Imaaraaadk Carabta kula kulmay Magaalada Abu Dubai, isagoona wada ololihiisa Doorashada Madaxtinimada dalka.
Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu safar ku tego Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo ay ka socdaan ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii xalay lagu dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub ee maamulkaas.