Xusni Mubaarak oo Kacdoon Dadweyne talada looga tuuray sannadkii 2011-kii ayaa la filayaa in laga sii daayo goobta uu ku xiran yahay oo ku dhex taalla Isbitaal Milliteri.
Qareenadiisa iyo ilo dhinaca Garsoorka ayaa sheegay in Madaxweynihii hore oo da’ noqday la sii dayn doono berri oo Talaado ah ama waqti dhow oo ku xiga, lana filayo inuu dib ugu laaban doono gurigiisa.
Xusni Mubaarak oo Dacwadiisa ugu dambaysay la qaaday  bishan ayaa waxaa laga tirtiray Dembigiui Dilka ee loo haystay.
Mubaarak waxaa sannadkii 2012-kii lagu xukumay Xabsi Daa’im, iyado olagu soo oogay dilkii 239 Dibadbaxayaal muddadii ay socdeen 16-kii maalmood ee Kacdoonka ee looga tuuray talada dalkaasi.
Dhinaca kale, waxaa maanta oodda laga qaaday 203 Dhallinyaro oo horey uga qeyb galay Dibadbaxyo ka dhan ah Dowladda Madaxweyne C/Fataax Al-sisi.
Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA ayaa sheegay in dadka la sii daayey qeyb ka ahaayeen Cafis uu Madaxweynaha fidiyo dhowr bilood ka hor.
©Radio Dalsan