Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Tallaado ah waxaa ku wajahan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.
Safarka Baladweyne ay ku tegayaan Madaxweyneyaashii hore ee dalk ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoona saacadaha soo socda tagaya halkaas.
Kulan xalay Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha, waxaana Maanta Baladweyne ay gaarsiin doonaan gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo sameeynayo dadkii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, isla markaana ay gaarsiin doonaan gargaar.