Madaxweynaha dalka Masar, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Al-sisi waxa uu Qasriga Al-itixaad ee magaalladda Qaahira kula kulmay dhigiisa dalka Eritrea, Issiyas Efewerki oo booqasho 2 maalmood ah ku jooga dalkaasi.
Wargeyka Al-ahram ee ku hadla Afka dowladda Masar ayaa qoray inay Labada Madaxweynee ka wada hadleen xiriirka iyo Danaha ay wadaagaan Masar iyo Eritrea, dhowrista Sharafta Muwaadininiinta labada Waddan.
Labada Hoggaamiye waxay kaloo ka wada xaajoodeen guud ahaan Xaalladaha Guud ee Qaaradda Afrika, xilli uu Madaxweynaha Masar madax ka yahay Ururka Midowga Afrika.
Labada Hoggaamiye waxay kaloo isla eegeen Xaalladda Siyaasadeed ee dalka Suudaan, Mandiqadda Geeska Afrika, Arrimaha Somalia, Ammaanka Webiga Niil, Badda Cas, waaxayna hoosta ka xariiqeen inay taageersan yihiin Hawlaha lagu sugay