Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dabkii xooganaa ee xalay ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaal Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo socday dhowr ah saacadood oo xiriir ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inuu xanuunka iyo dhibka la Wadaagayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii ka kacay goobihii Ganacsi ee ku yaallay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa waxaa uu tilmaamay in Musiibada dabka ay tahay mid kamid ah Arrimaha loo baahan yahay maareynteeda, wuxuuna intaas kusii daray in maareynta musiibada dabka la gaari doono waqti dhow.
“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii caawa ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa†ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hanti lagu qiyaasay 25-milyan oo Dollar ayaa ku qasaartay dabkaas oo markii hore ka bilowday makiinad Saliid, kadibna kusii faafay goobo kale oo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir, iyadoona markii dambe lagu geystay deminta dabka.