Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ku taageerayeen qorshaha dowladda, waxaana halkaasi uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.
Madaxwenaha oo munaasabadaasi ka hadlayay ayaa warbixin ka siiyay jaaliyadda xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al Shabab, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Xiriirka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Norway ayuu aad ugu dheeraaday Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana uu sheegay in Dowladda Norway ay tahay garab weyn oo ay leedahay Somalia.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka AL-Shabaab, waxaana jaaliyadda u uku booriyay inay qaataan doorkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ula kulmay masuuliyiinta ugu sarraysa dalkaasi Norway, waxaana uu la kulmay Boqorka dalkaasi iyo Ra’iisul Wasaaraha.