Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shaaciyay inuu dib ula soo laabtay Mas’uuliyadiisa Galmudug,kadib markii dhawaaan uu u wakiishay Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha Wakiilashadii u washiishay inay shaqeyso dib u hishiisiinta Galmudug aysan u marin wadadii loo baahna in loo qabto dib u hishiisiin sax ah.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa xusay inuu si degdeg ah u soo magacaabi doono Guddiyo loo dhan yahay oo ka shaqeya Arrimaha dib u heshiisiinta,Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay in ay ka tashtaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug oo dhanyahay.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka soo baxay Madaxweyne Xaaf.