Madaxweynaha Galmudug ee waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa xalay Magacaabay Guddiga Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug.
Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu magacaabay Guddiga Doorashada oo ka kooban 11-xubnood, kuwaasi oo uu tilmaamay inay shaqeyn doonaan howlaha dhismaha Galmudug.
Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa Guddiga Cusub lagu faray inay ugu dambeyn isu yimaadan 10-ka Bishan January 2020-ka, isla markaana kulankooda ugu horeeya ay ku doortan Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.
Madaxweyne Xaaf ayaa shalay sheegay inuu ka laabtay heshiiskii uu horey ula galay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay dowladda inay faragelin ku heyso Doorashada maamulka Galmudug.
Si kastaba Dowladda Federaalka ayaa horey u magacaawday Guddiga Doorashada Galmudug, kuwaasi oo haatan wada qorshihii ugu dambeeyay ee dhismaha Galmudug Cusub oo loo dhan yahay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug.