Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Talaadadii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug Kalsoonidii kala noqdeen ayaa waxa wareegtadaa lagu amray in ilaa iyo amar dambe la joojiyo Diyaaradaha ka tagaya Muqdisho ee Gaaraya Magaalada Cadaado.
Diyaaradaha Samafalka iyo kuwa Amisom ayaa loo ogol yahay in ay gaaraan Cadaado ayaa lagu yiri Wareegtada.
arintan xanibaada Diyaaradaha ka baxa Muqdisho ee gaara Cadaado ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xaalado Siyaasadeed ay la ciir ciireyso Magaaladaasi,waxaana maanta Magaaladaa ku wajahnaa Wafi Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jiray.
Halkan ka Aqriso Wareegtada: