Madaxweynaha Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Beydhabo ayaa si heer sare ah halkaas loogu soo dhoweeyay, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyo qeybaha Kale duwan ee Bulshada Baydhabo.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Baydhabo u tegay ka qeyb galka shirar la xiriira xoojinta shirarkii Dhuusamareeb iyo iskaashiga KGS Iyo Hirshabeelle ee Dhinacyada ammaanka iyo ka hortaga fatahaadaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay socdaalka Baydhabo ee Maanta ayaa sheegay in ay ka arinsanayaan ka hadalka shirarkii Dhuusamareeb oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la dhuudhuujiyo shirarkaasi ka dhacay Caasimadda Maamulka ee Dhuusamareeb.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo, iyagoo halkaas tegi doona saacadaha soo socda, si ay uga qeyb galaan shirka.