Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu booqasho ah ku tago Jarmalka dabayaaqadda bisha September ee sannadkan.
Wargeyska BILD ee ka soo baxa Jarmalka ayaa maanta oo Sabti qoray Booqashadaasi, oo ay u xaqjiiyeen ilo dhinaca labadaasi Dowladood oo ku kala sugan caasimadaha Berlin iyo Ankara.
Booqashadaasi waxay noqon doontaa tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Erdogan ku tago dalkaasi tan iyo sannadkii 2014-kii iyo socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo markii dib loo soo doortay bishii June ee la soo dhaafay.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Jarmalka, Sigmar Gabriyal ayaa horey u sheegay inay labada dolwadood qaadi doonaan wax kasta oo lagu xaqiijinayo Xiriirka Jarmalka iyo Turkiga oo ka wada tirsan Isbahaysiga Milliteri ee NATO.