Ilo-wareedyo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuu Madaxweyne Donald Trump uu Kulan Degdeg ah oo ay albaabadda u xirnaa la yeeshay Madaxda dalalka qeybta ka ah Isbahaysiga NATO oo haatan ku shirsan caasimadad dalka Belgium ee Brussels.
Madaxweynuhu waxa uu Eedeyn cusub kula dul-dhacay Madaxdaas, oo ku aadan dhinaca Kharajka iyo Ganacsiga Europe.
Dhinaca kale, Hogaamiyayaasha NATO waxay Eedeynta Trump kadib ka codsadeen Wakiilladda dalalka aan xubnaha ka ahayn NATO ee Yurkrayn iyo Joorjiya inay dibed-joog ka noqdaan Shirka ay leeyihiin dalalka Isbahaysiga oo keliya.