Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaadaan.
“Haddii ay sameeyaan wax aan rumeysannahay inaysan ahayn bani’adamnimo†ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, “waxaa asiibi doona dhaqaale burbur iyo carro.â€
Xulufada Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa aad uga carrooday go’aanka Trump ku cidleeyey Kurdish-ka Syria, kuwaas oo ciidamada Mareykanka la galay dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish.
Mid ka mid taageerayaasha ugu daacadsan Trump ee ku jira Senate-ka Mareykanka ayaa go’aanka madaxweynaha ugu yeeray mid “aragti gaaban iyo mas’uuliyad darro.â€
Senator Lindsey Graham oo barnaamijka Fox & Friends uu weydiiyey haddii uu taageersan yahay go’aanka madaxweynaha ayaa yiri “marnaba maya,†isaga oo sheegay in tallabaadan “ay guul weyn u tahay Daacish.â€
Graham ayaa sheegay in Kurdish-ka ay la safan doonaan madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad, sababtoo ah ma haystaan waddo kale. “Sidaas darteed tani waa u guul Iran iyo Assad.†Ayuu yiri.