Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Den ayaa ka hadlay dhacdadii maalmo kahor ka dhacday Magaalada Boosaaso ee is hor istaaga loogu sameeyay diyaarad sidday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar.
Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in diyaaraddii sidday Guddoomiye Sacdiya Yaasiin ee dooneysay inay ku degto Garoonka Boosaaso aysan jirin cid ka warheysay iyo dadkii saarnaa, isla markaana ay aheyd diyaarad ay horey Puntland u mamnuucday.
Wuxuu caddeeyay Deni inay ka xun yihiin dhacdadii ka dhacday Boosaaso, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray Ciidanka Puntland ee markii hore sababay is hor istaaga lagu sameeyay Guddoomiye Sacdiya Yaasiin, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay inta dhaawacantay.
“Diyaaraddii Boosaaso timid wax bini aadam ah oo dowladda ah oo ka warqabay ma jirto, diyaaradaha noocaasi ah Puntland dani uguma jirto tanna waxayba sii dheereyd inay hay’adahii maamulka ay khilaaf ku keento” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in arrinta dhacday aan loo baahneynin in mar kale dhacdo, isla markaana tilmaamay in muhiim tahay in wixii gargaar ah ee loogu tala-galay in la gaarsiinayo dadka Abaareysan lagu soo wargeliyo Maamulka, lana ilaaliyo kala dambeynta iyo dowladnimada.
Si kastaba Puntland ayaa is hor istaag ku sameeysay diyaarad sidday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, xilli au dooneysay inay ka degto Garoonka diyaaradaha Boosaaso, isla markaana waday Gargaar Bani’aadanimo oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka abaareysan ee kunool Gobolkaas. Iska horimaad ka dhashay arrintaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 15 ruux oo isugu jiray shacab iyo Askar.