Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa soo saaray liiska Musharixiinta u tartamaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda Federalka Soomaaliya Xubintii u danbeysay.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor ayuu ku shaaciyay in kursiga ka harsanaa Aqalka Sare ee Galmudug ay ku tartami doonaan Musharaxta kala ah Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciima Yuusuf Maxamed…
Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay oo ka tanaasulay Senator Yuusuf Geele Ugaas Dhagey oo ahaa Mas’uulka kaliya ee galay labo doorasho Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, isagoo ugu dambeyn ku guuleysatay kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.