Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta ka baaqday socdaal uu ku tegi lahaa deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo laba maalin kahor uu ka dhacay dagaal.
Sababta uu socdaalka uga baaqday Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay arrimo la xariira mid amni, maadaama deegaanka ay ka jirto xiisad dagaal, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa deegaanka Xananbuure u diray Saraakiil Ciidan iyo wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Geeda-qoroow iyo xubno kale.
Ujeedka Madaxweynaha Galmudug uu u tegi lahaa Xananbuure ayaa aheyd sidii uu kulan kula qaadan lahaa Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka laba maleeshiyo beeleed oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay dagaalka maleeshiyaadka ah, kuwaasi oo shalay ay kala dhex-galeen Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad, sidoo kalena heshiis hordhac ah ka gaaray Colaadda soo cusboonaatay.
Dagaalka ayaa waxaa la xiriiray weerar loo adeegsaday rasaas oo maalmo kahor lagu qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa Goob maqaaxi ah oo ku taalla deegaanka Mareerguur, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.