Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanada Xeraale iyo Huurshe.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Odayaasha dhaqanka Xeraale iyo Huurshe ka dhageystay warbixin la xiriirta sida uu dhaqan galay heshiiskii Nabadeed ee kal horey uu dhex dhigay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
“Madaxweynaha Galmudug oo ku gudajira nabadeynta deegaanada Galmudug iyo sidii xal waara looga gaari lahaa, looguna wada noolaan lahaa nabad iyo iskaashi, Hormar†ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Maamulka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa heshiis nabadeed kala dhex dhigay Odayaasha dhaqanka degaanada Huurshe iyo Xeraale,kuwaasi muddo saddax sano ah ay u dhexeysay colaad uu Dhiig badan ku daatay, hayeeshee haatan waxaa dhaqan galay heshiiska arrintaas laga gaaray.