Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay wejiga labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmi doono Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb uu rajeeynayo inuu noqon doono mid Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis wadajir ah ku gaaraan.
Shacabka Galmudug ayuu tilmaamay Madaxweyne Qoorqoor inay diyaar u yihiin soo dhaweynta Madaxda dowladda Federaalka ee maalmaha soo socda kala tegi doono Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaanka Shirka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa aqbalay martiqaadkii Madaxda dowlad goboleedyada oo ahaa in Shir la isugu yimaado Dhuusamareeb, si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka, kaasoo qeyb ka ahaa qodobadii ay ka soo saareen Madaxda dowlad goboleedyada.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta oo tallaabo ah waxaa ay ku wajahan yihiin Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhaweeynayo.
Wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in xal loogaga gaaro arrimaha khilaafku hareeyay ee doorashada dalka, taasoo ay madaxda dowlad goboleedyada ay aaminsan yihiin inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod.