Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada amniga iyo Maaliyada ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Cabdi Axmed Yuusuf ayaa loo magacaabay inuu noqodo Guddoomiye ku-xigeenka amniga Shabeellaha Hoose, halka Mayow Mustaf Xuseen loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Gobolkaas.
Sidoo kale laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la faray inay la shaqeeyan Mas’uuliyiinta Cusub ee la Magacaabay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.