Wariye Ikraan Cali Xaashi oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta la xiray, waxaana faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan sababta keentay in la xiro Wariye Ikraan…
Wariye Ikraan ayaa dhawaan baahisay Warbixin la xiriirta fal isugu jiray kufsi iyo dil oo degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir loogu geystay Gabar lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax oo 12, September 2020 lagu aasay qabuuro ku yaalla Muqdisho.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Wariye Ikraan Cali Xaashi ay Booliska dowladda ku qabsadeen tebinta Warbixinta kufsiga loo geystay Maruumad Xamdi Maxamed, maadaama kiiskaan oo ahaa mid laga ilaalinayay in bulshada loo tebiyo.
Sababta Booliska dowladda Soomaaliya ay Wariye Ikraan Cali ugu qabsadeen tebinta sheekadan ayaa waxaa ay aheyd in gacanta Booliska ka baxsadeen qaar kamid dadkii ka dambeeyay kufsiga la gula kacay Xamdi Maxamed oo aheyd gabar dhalinyaro ah..
Wariye Ikraan Cali Xaashi oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalo Magaalada ayaa waxaa 13-ka September 2020 lagu xiray xabsi weyn oo ay leeyihiin Booliska dowladda, isla markaana waxaa haatan halkaas lagu weydiinayaan su’aalo la xiriira tebinta Warbixinta.
Ikraan Cali ayaa inta aysan Warbaahinta ay ka howlgaleysay ka baahin Warbixinta kufsiga Xamdi ayaa waxaa ay wareysiyo la yeelatay Ehelada Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo uga Warbixiyey qaabka uu u dhacay falkaas oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay.
Wariye Ikraan Cali Xaashi ayaa waxaa ay kamid tahay Wariyaal sanadka 2020 dhibanayaal u noqday Booliska dowladda Soomaaliya oo la rabay in uu ilalaiya xaquuqda iyo badaqbaka Wariyaha.
Si kastaba Dalka Soomaaliya waa mid ka mida Goobaha ugu halista badan ay ku shaqeyaan wariyaasha iyaga oo laba marba halis ugu jira xariga ugu yimaado dowladda hadii ay tabiyaan war xaqiiq ah oo lid ku ah dowladda iyo Al-shabaab oo si bareer ah ugu disho Magaalda dhaxdeeda.