Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Tiirka Hormarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug.
Kulan ayaa diirradda lagu saaray hirgelinta qorsheyaasha iyo siyaasadda horumarinta dhaqaalaha maamul Goboleedka Galmudug.
Shirkan oo ay soo xaadireen Dhammaan wasaaradaha Udub-dhexaadka u ah ajendaha Horumarinya Dhaqaalaha Sida: Wasaaradda Maaliyadda,Ganacsiga, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Tamarta iyo Biyaha, Dekadaha iyo Kaluumeysiga, Badroolka, Gadiidka, shaqadda iyo Shaqaalaha, iyo Howlaha Guud.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ka wasaaradahan ka dhagaystay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay.
Hoggaanka Cusub ee Galmudug wuxuu mudnaanta koobaad siinayaa kobcinta dhaqaalaha iyadoo si hufan loo maareeynayo ilaha dhaqaalaha, laguna dhaqmayo hannaan maaliyadeed oo leh isla xisaabtan iyo hufnaan kaasoo la jaanqaadaya hab dhiska caalamiga ah ee maareynta maaliyadda “.
Kulanka manta ka qabsoomay Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb ayaa ahaa Tiirka Hormarinta Dhaqaalaha Galmudug waxana Xigi doona Kulamo kale oo loga hadli doono Tiirarka Amniga iyo Cadaalada, Adeega Bulshada iyo Tiirka Siyaasada lo dhan yahay,