Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saakay gaaray Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.
Ujeedka Axmed Karaash ee Qardho ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Munaasabad lagu daah-furayo barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Eyl, Ufayn iyo Qardho.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kulamo la qaadan doona Maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka iyo Guddiga doorashooyinka Maamulka, isagoo kala hadli doona Doorashooyin tijaabo ah oo qof iyo Cod oo dhawaan lagu qaban doono Qardho.
Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ayaa socon doonta tan iyo 29 bishan May, waxaana laga sameyn doonaa in ka badan 40 goobood oo ka tirsan degmooyinka Eyl, Ufayn iyo Qardho, sida uu qorshau yahay, waxaana doorashada ay noqoneysaa mid tijaabo ah.
Axmed Karaash ayaa saakay markii uu gaaray Magaalada waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasiiro, Xildhibaanno, Saraakiil  Ciidan iyo maamulka Qardho iyo kan Gobolka Karkaar ee Puntland.