Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Axmed Karaash iyo wafdiga la socday ayaa waxaa banaanka Boosaaso uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Puntland, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay in Boosaaso ay u tageen Arrimo la xiriira shaqo iyo sidii uu ula kulmi lahaa Bulshada.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu tacsi u diray dhammaan Saraakiishii ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga dalka ee ku geeriyooday qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo dadkii kale ee shacabka ahaa.
Gaba-gabadii Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in maamulka uu gargaar gaarsiiyay dadkii ay waxyeelada u geysatay duufaantii ku dhufatay deegaano ka tirsan Puntland, wuxuuna carabka ku dhuftay in weli gargaar kale dadka la gaarsiin doono.