Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq.
Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ee Luuq ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada, isagoo ka xogwareysan doona xaaladda degmada iyo baahiyaha jira.
Waa markii ugu horreysay oo mas’uul xil sare ka haya Jubaland uu tago gobolka Gedo tan iyo markii uu bilowday khilaafka gobolkaasi ka taagan, marka laga reebo degmada Ceelwaaq oo ay horey u tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.
Maamulka ka jira degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxa ayna mas’uuliyiinta maamulka sheegeen in ay la shaqeenayaan maamulka cusub ee Gedo loo soo magacaabay.
Khilaafka Gedo ayaa u dhaxeeya qaar ka mid ah siyaasiinta gobolka iyo maamulka Jubaland, waxaana arrintaa sii huriyay maamulkii uu gobolka u magacaabay dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).