Madaxweyne ku-xgeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa maanta booqday dhaawacyada ciidamada qalabka Sida ee kusoo dhaawacmay dagaaladii Al-shabaab ee looga saaray deegaanada Ceel bacad iyo Coomaal oo ka kala tirsan Degmooyinka Buulo-burte iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Isbitaalada Digfeer, Somali Sudanes, Madiino iyo kan Ciidanka Xoogga ku booqday Askarta dhaawacyada Askarta waxyeelada kala kasoo gaartay dagaaladii ka dhacay Hiiraan
Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27aad, Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka sida ay isaga kaashadeen ka hortaga weerarada Al-shabaab
Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu balan qaaday in ay sii laba laabi doonaan hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ee Ciidamada dowladda Federaalka ka wadaan deegaano ka tirsan Maamulkaas.